1 min read

Qiimaha la siinayo iPhone 15ka cusub ee maanta la soo bandhigayo iyo waxa ku cusub.

Waxaa maanta lagu wadaa in shirkadda Apple ay soo bandhigto noocii ugu dambeeyay ee Iphone-ka.

Muddo saacado ah ayaa ka haray soo bandhigidda iPhone 15, iPhone 15 plus, iPhone Pro iyo iPhone 15 Pro Max oo ah noocii ugu dambeeyay.

Bisha September ee sanad kasta, shirkadda Apple ayaa soo saarta nooc cusub oo Iphone ah.

Hadaba, su’aasha ayaa ah, muxuu iPhone 15 uga duwanaan doonaa noocyada kale ee hore u jiray?

Waxa ugu weyn ee uu uga duwanaan doono kuwa kale ayaa ah in isbedel lagu sameeyay jaajarka taleefanka oo loo bedelay nooca USB-C oo ah type-C.

Qiimaha Iphone 15

  • iPhone 15: $799
  • iPhone 15 Plus: $999
  • iPhone 15 Pro: $1099

iPhone 15 pro max: $1299