1 min read

Imtixaanka aqbalaadda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo billowday.

Muqdisho:- Raktar Xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Cabdullaahi Sh. Rashiid (Maki) ayaan maanta daah furay Imtixaanka Aqbalaadda oo ka dhacay xarumaha Jaamacadda ee Banaadir, Galmudug iyo Puntland.

Imtixaanka oo ay u fariisatay 3731 arday ayaa loogu tala galay in lagu ogaado heerka aqooneed ee ardayda iyadoo ardayda kusoo baxda xaq u yeelan doonaan gelitaanka Jaamacadda.

Raktar xigeenka Prof. Dr. Cabdullaahi Sh. Rashiid, ayaa sheegay in imtixaanka si caddaalad ah loo qaadayo, ardaydana si hufan isu soo diiwaan geliyeen.

Wuxuu sheegay in Jaamacadda ay ka go’an tahay sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahayd waxbarasho tayo leh, iyada oo aan loo eegayn halka ay kasoo jeedaan.

Ardayda ku guulaysta waxa lagu wargelin doonaa natiijadooda todobaadyada soo socda.