1 min read

Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka qeyb galay madasha dhaqanka Shiinaha ee 2023.

Changsha :-  Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Changsha ee caasimadda gobolka Hunan uga qeyb galay madasha dhaqanka iyo dhexgalka Bulshada ee Dalka Shiinaha, isagoo munaasabaddaas ka jeediyay khudbad dheer oo taabaneyaa dhinacyada dhaqanka iyo sida loo horumarin karo.

Munaasabadda ayaa ujeedadeedu ahayd sida loo horumarin karo isweydaarsiga dhaqanka iyo sida caalamka loogu soo bandhigi lahaa dhaqanka Shiinaha ee bulshada Gobolka Hunan

In ka badan 60-wakiilo kala duwan ayaa madasha ka qeyb galay oo ay ku jiraan saraakiisha dowladda iyo wakiillada safaaradaha caalamka. Waxayna isugu yimaadeen kobcinta isfahamka dhaqanka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Ka soo qeyb galka Danjire Kullane, ayaa muujineysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya Shiinaha, isagoo uga mahadceliyay xukuumadda Beijing kobcinta hidaha dhaqanka.

Xafladda ayaa lagu soo bandhigay doodo, riwaayado iyo bandhigyo muujinaya quruxda dhaqanka shacabka gobolka Hunan iyo guud ahaan Dalka Shiinaha. Waxayna Soomaaliya oo ka mahadcelisay martiqaadka loo fidiyayay rajaynaysaa inay mustaqbalka ka qayb-gasho munaasabadaha kuwan la mid ah.