1 min read

Dowladda Marooko oo diidday caawimaadda dalal kamida Yurub.

Ururada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ayaa bilaabay codsi degdeg ah oo lagu taageerayo dhibanayaasha dhulgariirkii Jimcihii ka dhacay Morocco.

Agaasimaha howlgallada (Caroline Holt) ayaa sheegtay in xiriirku uu doonayo in uu u ururiyo lacag ka badan boqol iyo toban milyan oo doolar si loo helo baahiyaha ugu daran sida biyaha, nadaafadda iyo hoyga.

Ugu yaraan laba kun iyo sideed boqol oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka, oo inta badan saameeyay tuulooyinka fogfog ee buuraha Atlas.

Maamulka Morocco ayaa cadaadis lagu saarayaa inay u ogolaadaan dalal badan inay caawiyaan.

Gargaarka degdega ah waxa keliya oo laga aqbalay afar waddan oo kala ah Britain, Spain, Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

Caawimada kuwa kale oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalka waa la diiday.

Bill Mato oo ka tirsan hay’adda samafalka Khalsa Aid ayaa ku sugan mid ka mid ah tuulooyinka fogfog.

Waxa uu sheegay in xaaladdu ay tahay mid quus ah, isla markaana gargaarka dowladdu uusan si degdeg ah ku imaan tuuladan.