1 min read

Qarax lala eegtay kolonyo Ciidamada Kenya oo howlgalo ka waday gobolka W/Bari.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala beegsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Gobolka Waqooyi Bari, kuwaas oo marayay duleedka Magaalada Lamu waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa warraka la helay waxaa ay sheegayaan in uu haleelay mid kamid ah gaadiidka Ciidamada Kenya xilli ay marayeen inta u dhaxeeysa degaannada Milimaani iyo Saldhiga Ciidamada Kenya ee Boori.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Kenya ayaan weli ka hadlin qaraxa, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ayaa sheegay inay kudileen 1 askari o katirsan Ciidamada Kenya, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya duleedka Magaalada Lamu ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan howlgallo xoogan, isla markaana socdaalkooda ay iska sii wateen.