23 Apr, 2024
1 min read

Madaxweynaha oo kormeeray xarunta hawlgalinta ciidamada iyo Kaartada Dagaalka Ceelbuur oo la hordhigay.

Dhuusamareeb : Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan argagixisada ayaa kormeeray xarunta hawlgalinta ciidamada xoogga dalka oo u jiheeyay shaqadoodii Qaran. Madaxweyanaha ayaa waxaa warbixin siiyey wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Cabdulqaadir Cabdulqaadir Maxamed Jaamac iyo saraakiisha taliska xoogga dalka ee ku sugan Dhuusamareeb,waxaana […]

1 min read

War Deg Deg ah: Ciidamada Dowladda oo si rasmi ah ula wareegay deegaanka  Cowsweyne.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Xooggaga Kacdoonka Macawisley ayaa si rasmi ah ula wareegay deeganka Cowswayne ee Gobolka Galgaduud, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya. Cowswayne ayaa ah deegaan muhiim ah oo dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab u ahayd goob ay ka difaacaan degmada Ceelbuur, taasi oo uu ku wajahan yahay duulaan culus, si looga xoreeyo […]

1 min read

Soomaaliya iyo ururka EAC oo wadahadal uga furmayo Kenya.

Wadahadallo u dhaxeeya Daladda Bulshada Bariga Afrika ee loo yaqaan EAC iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka bilaababanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Bishii February ee sanadkan, xubnaha urur goboleedkan ayaa ku kulmay dalka Burundi si ay dib u eegis ugu sameeyaan warbixinta codsiga xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka EAC. Codsiga Soomaaliya […]

1 min read

RW Xamse oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayey Xoojinta Amniga Caasimadda.

Muqdisho :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar-gelinta amniga caasimadda iyo sidii looga feejignaan lahaa dhagaraha ay cadowga Khawaarijtu u maleegayaan Shacabka Soomaaliyeed. Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in dalku uu ku jira xaalad dagaal oo lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, sidaas awgeedna loo baahan yahay in […]

1 min read

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukuntay eedeysane loo haysto dilka nin Kenyaan ah

Muqdisho :- Maxkamadda derejada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuntay, Xasan Cabdiraxman Indha-yare oo ku eedeysan dilka Fredrick Odhiambo Owino oo kasoo jeeda dalka Kenya. Xasan Cabdiraxman Indha-yare ayaa sidoo kale loo haysto ka tagista goob shaqo fasax la’aan iyo inuu is-hortaag ku sameeyay shaqo dhismo ah oo halkaasi ka socotay. Guddoomiyaha Maxkamadda […]

1 min read

Dadka Bacaad weyne ee koofurta Mudug oo ku biiray dagaalka ka dhanka khawaarijta.

Gaalkacyo :- Dadka deegaanka Bacaadweyne ee koofurta Gobolka Mudug ayaa wacad ku maray in ay ka qayb qaadan doonaan dagaalka lagu cirib tirayo khawaarijta ee ka socda Galmudug. Abbaan duulaha Guutada 15-aad Qaybta 21-aad ee xoogga dalka G/le, Xirsi Cali Quuri oo la hadlayay boqolaal xoogagga macawisleeyda deegaanka ah ayaa sheegay in saraakiisha,siyaasiyiinta, Odayaasha. Dhallin […]

1 min read

Trump oo isu-dhiibaya masuuliyiinta gobolka Georgia.

Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu maalinimada Khamiista isu dhiibi doono masuuliyiinta gobolka Georgia, si loogu soo oogo dacwado la xidhiidha, inuu si sharci darro ah u maleegay tallaabooyin uu doonayey inuu meesha kaga saaro natiijada doorashadii madaxtinimada ee dhacday sannadkii 2020, taas oo uu ku guul daraystay. “Ma rumaysan karaysaan […]