1 min read

Dhallinyaro Soomaali ah oo ku dhintay Shil gaari oo ka dhacay Sweden

Booliska Sweden ayaa baaraya shil ay ku dhinteen dhallinyaro ay qaar Soomaali yihiin halka kuwa kale ay ka soo jeedaan dalal kale balse ay ku noolaayeen dalka Sweden. Shilka ayaa ka dhacay magaalada Skara ee dalka Sweden.

Dhalinyarada oo la sheegay in ay ka shaqaynayeen arrimaha bulshada ayaa ka soo galbanayay shaqada goorta uu gaari weyn oo nooca xamuulka qaada ah uu ku dhacay gaarigoodii.

Aasitaanka wiilashaas ayaa la sheegay in ay waqti qaadan doonto maadaama ay boolisku baaritaan ku wadaan sida uu shilku u dhacay. Saddexda dhalin yaro ee Soomaalida ah waxaa wehliyey oo shilka kula dhintay laba wiil oo kasoo kala jeeda Kurdistan iyo Morroco sida uu BBC u sheegay Cabdixaliim Maxamed Cabdi oo ka mid ah hogaamiyeyaasha bulshada Soomaalida.