1 min read

Soomaaliya iyo ururka EAC oo wadahadal uga furmayo Kenya.

Wadahadallo u dhaxeeya Daladda Bulshada Bariga Afrika ee loo yaqaan EAC iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta ka bilaababanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Bishii February ee sanadkan, xubnaha urur goboleedkan ayaa ku kulmay dalka Burundi si ay dib u eegis ugu sameeyaan warbixinta codsiga xubinnimada Soomaaliya ee Urur Goboleedka EAC.

Codsiga Soomaaliya ee ku biiridda EAC ayaa tirada guud ee xubnaha ururkan ka dhigeysa sideed urur.

Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan madaxweynaha Soomaaliya arrimaha ururka Bulshada Bariga Africa Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa sheegay, in Soomaaliya ay faa’iidooyin badan ku qabi doonto ka mid noqoshada ururkan isagoo sheegay inay Soomaaliya heli doonto suuq ganacsi oo baaxad weyn.