1 min read

Madaxweynaha oo kormeeray xarunta hawlgalinta ciidamada iyo Kaartada Dagaalka Ceelbuur oo la hordhigay.

Dhuusamareeb : Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan argagixisada ayaa kormeeray xarunta hawlgalinta ciidamada xoogga dalka oo u jiheeyay shaqadoodii Qaran.

Madaxweyanaha ayaa waxaa warbixin siiyey wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Cabdulqaadir Cabdulqaadir Maxamed Jaamac iyo saraakiisha taliska xoogga dalka ee ku sugan Dhuusamareeb,waxaana madaxweynuhu ku bogaadiyey tallaabooyinka ay ka qaadeen argagixisada oo ay furimaha dagaalka ku jabiyeen.

Hawlgalkan oo si xawli ah uga soconaya deegaanada kooban ee argagixisadu kaga harsan tahay Galmudug ayaa waxaa qayb ka ah bulshada deegaanka, iyadoo qorshahu yahay cirib tirka argagixisada Galmudug ku harsan in lagu soo gabagabeeyo wajiga hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.