1 min read

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukuntay eedeysane loo haysto dilka nin Kenyaan ah

Muqdisho :- Maxkamadda derejada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukuntay, Xasan Cabdiraxman Indha-yare oo ku eedeysan dilka Fredrick Odhiambo Owino oo kasoo jeeda dalka Kenya.

Xasan Cabdiraxman Indha-yare ayaa sidoo kale loo haysto ka tagista goob shaqo fasax la’aan iyo inuu is-hortaag ku sameeyay shaqo dhismo ah oo halkaasi ka socotay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in baaris dheer ka dib eedeysanaha lagu xukumay Shan Sano oo xabsi Ciidan ah iyo magta , Fredrick Odhiambo Owino.