1 min read

Shirka BRICS oo maanta ka furmaya Koonfur Afrika.

Dalalka xubnaha ka ah ururka BRICS ee Brazil, Ruushka, Shiinaha, Hindiya iyo Koonfur Afrika ayaa maanta shir isugu imaanaya magaalada Johannesburg, iyadoo ay isa soo tareyso wadamada doonaya inay ku biiraan ururkaasi.

In kabadan labaatan dal oo ay ku jiraan Iran iyo Argentina ayaa codsaday inay ku biiraan ururka. Shirka ayaa sidookale diiradda lagu saari doonaa iskaashiga dhaqaale, ganacsiga, iyo doorka Qaramada Midoobay.

Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, Sergei Lavrov ayaa ka qeyb gali doona shirkaas, kaas oo buuxin doona booska madaxweyne Putin oo wajahaya eedeymo la xirriira dembiyo dagaal.