July 26, 2023
Waddamada Bariga Afrika oo Nairobi kaga arrinsanaya kor u qaadista wax soo saarka xoolaha.
Wasiirrada Wasaaradaha xannaanada Xoolaha ee geeska Afrika ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga qeyb galay daah-furka Mashruuc kor loogu qaadayo wax soo saarka Xoolaha. Mashruucan oo ay ka faa’ideysan doonaan waddamada Gobolka, gaar ahaan saddexda dal ee Somaliya, Kenya iyo itoobiya ayaa wuxuu xoola-dhaqatada dalalkan ka saacidi doonaa iskaashiga iyo kordhinta wax soo-saarka Xoolaha. […]
Gudoomiyaha G/Banaadir oo furay shir weynaha caafimaadka Caasimadda
Muqdisho :-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay shir weynaha caafimaadka Caasimadda oo sanadkii laba mar la qabto, kaas oo ay isugu yimaaddaan hey’addaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka ah ee bixiya adeegyada Caafimaadka la xariira ee ka howlgala Muqdisho. Shir weynahaan Caafimaadka la xariira oo ay soo […]
Shirweynaha Qaran ee wada shaqeynta Xeer ilaalinta iyo Booliska Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho.
Muqdisho:-Shirweynaha Qaran ee wada shaqeynta Xeer ilaalinta iyo Booliska Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho, kaas oo socon doona labada maalmood 26-27- 2023. Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Dr. Maxamed Axmed Sheikh Cali (Doodishe) oo shirka furay ayaa sheegay in kulankan loogu doodi doono wada shaqaynta Booliska iyo xeer ilaalinta, gaar ahaan barista dambiyada […]
Waa kuma horjoogaha ajanabiga ah ee lagu dilay gobolka Bakool? (Warbixin)
Muqdisho, :- Jabka Khawaarijta Al-shabaab lagu gaarsiinayo howlgallada wali ka soconaya Dalka ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, haatanna waa dhinaca Bakool. Howlgal qorsheysan oo ciidamada Dowladda federaalka ay ka sameeyeen deegaan hoostaga degmada waajid ee gobolka Bakool, waxaa khasaaro xoog leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab. Ku dhowaad […]
Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay magaalada Jowhar.
Faah faahino kasoo baxaya qarax khasaaro kala duwan geystay oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar. Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS, xilli ay marayeen meel u […]
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo cambaareeyay qaraxii ka dhacay kulliyadda Jaalle Siyaad.
Daarusalaam :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane , Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay qaraxii ay Khawaarijtu dhowaan ka geysatay kulliyadda Jaalle Siyaad oo uu tababar ugu socday dhallinyaro loo diyaarinayay ka mid noqoshada Ciidanka XDS. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania kaga qayb galaya shir madaxeedka horumarinta karaanka Aadanaha […]
Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta lasoo taagayo mas’uuliyiin ku eedeysan musuq-maasuq.
Muqdisho:-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisaneysa dhageysiga dacwad Ciqaabeed loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS, kuwaaasi o xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed. Mas’uuliyiinta Maxkamaddooda maanta ay billaabaneyso ayaa waxaa ay kala yihiin, Agaasimahii Guud ee […]
Soomaaliya iyo Talyaaniga oo iska kaashanaya arrimaha maaraynta musiibooyinka.
Rome :- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle oo ka mid ahaa Wafdiga Madaxweynaha oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa booqday xarunta hay’adda bad-baadinta bulshada Talyaaniga. Guddoomiye Maxamuud ayaa la kulmay dhiggiisa iyo agaasimayaasha qeybaha kala duwan ee xarunta badbaadada shacabka Talyaaniga, Guddoomiyaha ayaa u kuur galay howsha baaxadda leh ee […]
Kooxo hubaysan oo 34 qof ku dilay Nigeria.
Ugu yaraan 34 qof oo ay ku jiraan toddobo askari ayaa lagu dilay weerar ay kooxo burcad ah ku qaadeen gobolka waqooyi-galbeed ee Nigeria ee Zamfara, sida uu sheegay Ismaaciil Magaji, oo ah madaxa kooxaha feejiganaanta ee dadka deegaanka. Weerarkan oo ka dhacay degmada Dan Gulbi ee fog ee ismaamulka Maru ee gobolkaasi ayaa dhacay […]