1 min read

Gudoomiyaha G/Banaadir oo furay shir weynaha caafimaadka Caasimadda

Muqdisho :-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay shir weynaha caafimaadka Caasimadda oo sanadkii laba mar la qabto, kaas oo ay isugu yimaaddaan hey’addaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka ah ee bixiya adeegyada Caafimaadka la xariira ee ka howlgala Muqdisho.

Shir weynahaan Caafimaadka la xariira oo ay soo aggaasintay Waaxda Caafimaadka ee Dowalada Hoose Xamar ayaa intiisa badan ah mid islaxisaabtan ah oo ay hey’addaha Caafimaadka kusoo gudbiyaan adeegya ay bixiyaan tayadooda iyo sida ay bulshada ugu qidmeeyaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ana Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shirkan furay ayaa kula dardaarmay wakiillada ka socday hey’addaha Caafimaadka iyo madaxda waaxda caafimaadka Dowladda hoose ee Xamar in ay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan bixinta adeegyo caafimaad oo taya leh, islamarkaana loo dhimriyo dadweynaha Soomaaliyeed.