1 min read

Waddamada Bariga Afrika oo Nairobi kaga arrinsanaya kor u qaadista wax soo saarka xoolaha.

Wasiirrada Wasaaradaha xannaanada Xoolaha ee geeska Afrika ayaa magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaga qeyb galay daah-furka Mashruuc kor loogu qaadayo wax soo saarka Xoolaha.

Mashruucan oo ay ka faaโ€™ideysan doonaan waddamada Gobolka, gaar ahaan saddexda dal ee Somaliya, Kenya iyo itoobiya ayaa wuxuu xoola-dhaqatada dalalkan ka saacidi doonaa iskaashiga iyo kordhinta wax soo-saarka Xoolaha.

Daahfurka waxaa goob joog ahaa qaar kamid ah saaxiibbada Beesha caalamka ee dalalkan, gaar ahaan Safiirka dowladda Switzerland, wakiillo ka socda hayโ€™adaha ka shaqeeya arrimaha xoolaha iyo marti sharaf kale.