1 min read

Kooxo hubaysan oo 34 qof ku dilay Nigeria.

Ugu yaraan 34 qof oo ay ku jiraan toddobo askari ayaa lagu dilay weerar ay kooxo burcad ah ku qaadeen gobolka waqooyi-galbeed ee Nigeria ee Zamfara, sida uu sheegay Ismaaciil Magaji, oo ah madaxa kooxaha feejiganaanta ee dadka deegaanka.

Weerarkan oo ka dhacay degmada Dan Gulbi ee fog ee ismaamulka Maru ee gobolkaasi ayaa dhacay galabnimadii Isniinta, sida uu wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Ismaaciil Magaji.

Lawali Zonai, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa yiri, “27 ka mid ah dadka tuulada ayaa lagu dilay weerarka, halka 7 ka mid ah ciidamada milateriga la weeraray ay u socday inay bulshada ka caawiyaan weerarka foosha xun.”

Kooxo burcad ah oo si aad ah u hubeysan oo ay dadku ugu yeeraan “Burcad” ayaa dhibaato xooggan ka geystay waqooyi-galbeed ee Nigeria saddexdii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo qafaashay kumannaan qof, iyagoo dilay boqolaal, kana dhigay meel aan ammaan ahayn in lagu safro.

Weerarada ayaa jahawareer ku riday ciidamada ammaanka Nigeria oo si xad dhaaf ah ula dagaalamaya waxa loogu yeero ‘kacdoonka islaamiyiinta’ ee 14-ka sano ka socday waqooyi bari.

Reuters.