1 min read

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay magaalada Jowhar.

Faah faahino kasoo baxaya qarax khasaaro kala duwan geystay oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS, xilli ay marayeen meel u dhow garooonka kubbada cagta Xasey Kumari ee xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar.

Maamulka iyo laamaha Amniga Magalada Jowhar ayaan weli ka hadlin qaraxa, hayeeshee waxaa goobta tegay Ciidamo katirsan Booliska Hir-Shabeelle, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah sameeyay.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaaday amniga Magaalada Jowhar, waxaana dhawaan qarax ka dhacay lagu dilay Sarkaal katirsan Waaxda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Hir-Shabeelle.