1 min read

Waa kuma horjoogaha ajanabiga ah ee lagu dilay gobolka Bakool? (Warbixin)

Muqdisho, :- Jabka Khawaarijta Al-shabaab lagu gaarsiinayo howlgallada wali ka soconaya Dalka ee ay iska kaashanayaan shacabka iyo ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, haatanna waa dhinaca Bakool.

Howlgal qorsheysan oo ciidamada Dowladda federaalka ay ka sameeyeen deegaan hoostaga degmada waajid ee gobolka Bakool, waxaa khasaaro xoog leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab.

Ku dhowaad 25-ka ka tirsanaa argagixisada ayaa halkaas lagu dilay, kuwaas oo isku diyaarinayay dhagarta shacabka Soomaaliyeed, 25-ka la dilay, shan ka mid ah waxay ahaayeen ajaaniib oo isku soo baheystay dulminta iyo duibaateynta shacabka.

Shanta Khawaarij ee ajaaniibta ah waxaa ku jiray horjoogihii hoggaaminayay waxay ugu yeereen jabhadaha, kuwaas oo qaabilsanaa deegaanno hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Horjoogahan ajanabiga ah ayaa u dhashay Dalka Tanzaaniya, sida aan ka helnay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Guddoomiyaha degmada waajid ee gobolka Bakool Maxamed Macallin Yuusuf oo la hadlay warbaahinta Qaranka, waxa uu xaqiijiyay geerida Khawaarijtan isugu jira Soomaalida iyo ajaaniibta, waxaa sii badanaya horjoogayaasha lagu dilayo howlgallada qorsheysan. Howlgallo fara badan oo kuwan la mid ah oo lagu dilay horjoogayaal fara badan oo shacabka dhibayay, kuwaas oo laga fuliyay gobollada Jubbooyinka.

Ciidamada xoogga Dalku, wali waxay u taagan yihiin badbaadinta shacabka iyo dhabar jabinta Khawaarijta oo hadda gabalkooda sii dhacayo.