1 min read

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta lasoo taagayo mas’uuliyiin ku eedeysan musuq-maasuq.

Muqdisho:-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisaneysa dhageysiga dacwad Ciqaabeed loo heysto saraakiil ka tirsan wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS, kuwaaasi o xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay Musuq-maasuq, lunsasho hanti dadweyne iyo ku tagri fal awood xafiiseed.

Mas’uuliyiinta Maxkamaddooda maanta ay billaabaneyso ayaa waxaa ay kala yihiin, Agaasimahii Guud ee wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada XFS, Cabdullaahi Maxamed Cali Suldaan iyo Agaasimahii ka horreeeyay Xafiiska Maxamed Cadde Muqtaar.