1 min read

Dalka Tunisia oo lagu eedeeyay tacaddiga dadka Afrikaanka ah ee dalkaasi taga.

Hay’adda caalamiga ah ee u ololaysa xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku eedaysay laamaha ammaanka Tunisia in ay “xadgudubyo halis ah” ku hayaan muhaajiriin Afrikaan madow ah oo isku dayaya inay Yurub galaan.

Kooxda ololaha ayaa sheegtay in ay wareysatay in ka badan 20 muhaajiriin ah iyo magangalyo doon tan iyo bishii March.

Todoba qof ayaa ka mid ahaa in ka badan 1,000 Afrikaan madow ah oo ay mas’uuliyiinta Tunisia ay eryeen ama si qasab ah ugu wareejiyeen gobollada xuduudka saxaraha ah ee dalkaas uu la wadaago Liibiya iyo Aljeeriya bishan.

Madaxweyne Kais Saied ayaa ku eedeeyay soogalootiga rabshado iyo in ay wax ka beddeleen qaabkii dadka ee dalka.

HRW waxay doonaysaa in Midowga Yurub uu hakiyo dhaqaalihii loogu talagalay in lagu celiyo muhaajiriinta.