1 min read

Askari Mareykan ah oo la xiray isagoo ka tallaabaya xadka Kuuriyada Waqooyi.

Wararka ka imaanaya dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegaya in askari Mareykan ah ay ku xirtay xadka aadka loo ilaaliyo ee Kuuriyada Koonfureed isagoon heysan warqad ogolaansho ah.

Askariga ayaa socdaal qorsheysan ku marayay dhulka ay maamusho Qaramada Midoobay, ee u dhaxeeya labada dal.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli aanu wanaagsaneyn xiriirka labada Kuuriya oo ka mid ah dalalka ugu go’doonsan adduunka.

Muwaadiniinta Mareykanka waxaa sida caadiga ah lagula taliyaa inaysan halkaas tagin.

Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax xiriir ah oo ay la sameeyeen askariga.

John Aquilino, oo ah taliyaha ciidamada Maraykanka ee ku sugan badda Pacific-ga ayaa intaa ku daray “in aysan wax xog ah wadaagin” Kuuriyada Waqooyi.

Saacado ka dib markii la xiray askariga, waxa la riday labo gantaal oo balistik ah, iyadoo looga shakisanyahay Kuuriyada Waqooyi in ay ku riday badda.

Tuuridda labadan gantaal, sida ay xaqiijiyeen militariga Kuuriyada Koonfureed, ayaa ku soo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya. Ma jirto wax calaamad ah oo muujinaya in gantaalladaasi ay xiriir la leeyihiin xarigga askariga.