Wasiirka Caafimaadka oo hor tagay guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr; Cali Xaaji Aadam, oo ay wehliyaan Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Drs; Maryam Maxamad Xuseen, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Xildhibaan Dr ; Maxamad Xuseen Maxamad ayaa guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka ayaa Warbixin guud ka siiyay qorsha-howleedka iyo qaab-dhismeed guud ee Wasaaradda Caafimaadka howlaha baaxadda leh ee horyaalla waxyaabihii uqabsoomay iyo halka ay hadda wax u marayaan.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay wax badan ka qabteen horumarinta daryeelka Caafimaadka dalka iyo tayayntiisa.
Intaa kadib Xubnaha Guddiga ayaa mid mid u Weydiiyay Wasiirka Su’aalo la xariiray Caafimaadka Dalka Mashaariicda hoos yimaadda kuwa socda iyo kuwa la filayo in dhawaan ay Wasaaraddu daah-furto sida Mashruuca Damal Caafimaad.
Shuruucda hor-tebinta uleh Wasaaradda oo ay doonayaan inay usoo gudbiyaan Golaha Shacabka BJFS sida Sharciga dawada dalka iyo Caqabadaha hor-taagaan inay Wasaaradda keento maadama uu muddo fog soo jiitamayo lagama maarmaana ay tahay inuu dalka yeesho sharci dawo oo la isku halleyn karo.
Hiigsiga iyo himillada fog ee la xariira Caafimàadka guud ee Wasiirka Wasaaradda ayaa ka wada jawaabay guud ahaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha iyo guddoonka guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Golaha Shacabka.