19 Sep, 2025
1 min read

Dowladda Finland oo si rasmi ah ugu biirtay NATO.

Finland ayaa noqotay xubnkii 31-aad ee gaashaanbuurta NATO, kaddib xaflad ka dhacday xarunta isbahaysigu ku leeyahay magaalada Brussels. Madaxweynaha Finland,Sauli Niinisto, ayaa dukumintiyada ku biiritaanka NATO ee dalkiisa u gudbiyay xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, kaas oo sheegay in Finland ay haatan si rasmi ah ugu biirtay isbahaysiga millateri. Dhameystirka codsiga ku biiritaanka […]

1 min read

QM: Walxaha qarxa waxay Soomaaliya ku dileen 1200 qof sanadkii tegay.

Muqdisho:-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay sannadkii 2022-ka walxaha qarxa sababeen dhimashada 1200 qof oo Soomaali ah. Hadalkan ayaa soo baxay iyadoo maanta dunida laga xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Wacyigelinta Wax-ka-qabashada Miinooyinka.Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka go’antahay inay Soomaaliya ka taageerto dadaallada looga cirib-tirayo khataraha haraadiga walxaha qarxa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed […]

1 min read

Dalalka Soomaaliya iyo Cuba oo ku heshiiyey inay dib u billaabaan xiriirka diblomaasi.

Dawladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa ku hehsiiyey inay sii ambaqaadaan xiriirkooda dblomaaisyadeed, sida ay sheegeen diblomaasiyiinta labada waddan. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa qaabilay safiirka Cuba u jooga dalka Kenya Juan Manuel Rodrigues Vazquez oo sidoo kalena qaabilsanaan doona arrimaha Soomaaliya. Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in safiirka Cuba uu waraaqihiisa […]

1 min read

QM oo ku baaqday $70 milyan oo lagu caawiyo Malawi, oo ay duufaan xooggani ku dhufatay.

BLANTYRE, MALAWI – Qaramada Midoobay iyo hay’ada kale ee samafalka ayaa ku baaqay in lacag gaadhaysa $70.6 milyan lagu caawiyo dalka Malawi, gaar ahaan, dadka ay saamaysay duufaantii dalkaas ku dhufatay. Duufaanta Freddy, oo sidoo kale ku dhufatay dalalka Mozambique iyo Madagascar, ayaa dalka Malawi ku dishay boqollaal qof, halka ay barakaceen in ka badan […]

1 min read

Khasaare ka dhalatay israsaaseyn ku dhexmartay Ciidamada Somaliland iyo kooxo hubaysan deegaanka Aricaddeeye.

Wararka ka imaanaya deegaanka Aricaddeeye ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dadka deegaanka qaarkood ay halkaasi isaga carareen, kaddib xiisad ka dhalaty gaari ay leeyihiin ciidamada Somaliland oo la rasaaseeyay. Gaariga oo ah kan ciidamada Somaliland oo sida la sheegay siday dhaawac ayay fiidnimadii Sabtidii koox deegaanka ah dhexda u galeen oo xabbadeeyeen, ciidamada ayaa […]

1 min read

Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

MUQDISHO — Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay saddex qof ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay agagaarka xarunta dambi-baarista ee CID ee Muqdisho. Booliiska ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhshay gaari xamuulka qaada oo ka mid ahaa kolonyo ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ka tirsan, gaar ahaan qaybtooda Burundi. Qarax ka dhex dhashay babauurka ayaa sababay […]

1 min read

Mustaqbalka NISA, haddaan laga…..

Weligeedba Hayadda Nabadsugidda Qaranku waxa ey aheyd Hayad laga baqo sida kuwa kale ee Dunida ka jiro. Dhowr jeer ayaan ku celceliyay in Hayadda la sharciyeeyo oo Magac ahaan ay u noqoto mid jirto si Shaqaalaha ka shaqeeyo ay u noqdaan shaqaale Qaran. Dowladu waa ku mahadsan tahay taa waa fulisay, Haddana NISA waa Hayad […]

1 min read

Muuse Biixi oo soo dhaweeyay magacaabista C/Kariim Guuleed.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyey magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabey Ergeyga Gaar ah ee arrimaha Soomaaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed. Wuxuu sheegay in Cabdikariin Guuleed uu yahay Nin aqoon weyn u leh Siyaasadda Gobolka, isla markaana ay soo dhaweynayaan magacaabistiisa si loo sii amaba qaado wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxweynaha […]