1 min read

Dalalka Soomaaliya iyo Cuba oo ku heshiiyey inay dib u billaabaan xiriirka diblomaasi.

Dawladaha Soomaaliya iyo Cuba ayaa ku hehsiiyey inay sii ambaqaadaan xiriirkooda dblomaaisyadeed, sida ay sheegeen diblomaasiyiinta labada waddan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa qaabilay safiirka Cuba u jooga dalka Kenya Juan Manuel Rodrigues Vazquez oo sidoo kalena qaabilsanaan doona arrimaha Soomaaliya.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in safiirka Cuba uu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey wasiirka.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamc ayaa ku sheegay bartiisa twitterka in labada waddan ay xiriir diblomaasi lahaayeen intii u dhaxaysay 1972 – 1977, haatan ay ku heshiiyeen inay sii wadaa.

Xiriirka labada waddan ayaa xumaaday xilligii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii Cuba ay taageertay dhinaca Itoobiya.