1 min read

Mustaqbalka NISA, haddaan laga…..

Weligeedba Hayadda Nabadsugidda Qaranku waxa ey aheyd Hayad laga baqo sida kuwa kale ee Dunida ka jiro.

Dhowr jeer ayaan ku celceliyay in Hayadda la sharciyeeyo oo Magac ahaan ay u noqoto mid jirto si Shaqaalaha ka shaqeeyo ay u noqdaan shaqaale Qaran.

Dowladu waa ku mahadsan tahay taa waa fulisay, Haddana NISA waa Hayad Qaran. In kasta oo Gobalada qaar aynan ka howl gali karin.

Markii Sharciyada loo sameeyay ayaan Mar kale ka Codsaday Golayaasha Qaranku in aynan ku fududaan Ansixintana Sharciyada ay ku howl galee NISA. Kuwaa oo ay iigla muuqdeen Xadgudubyo waa weyn.

Baarlamaankii wey Ansixiyeen. Awoodaa ansixintana waa leeyihiin Barlamaanadu.
Laakin Haddii aan wax laga bedelin Awoodda NISA loo ansixiyay.

Waxaa la arki doonaa:

1. Siyaasiyiin Badan oo leh: war ma Gaalaa tihiin Iridda naga Fura.
2. Akhyaar la leeyahay Godka jilacoow ayaa ugu war dambeeysay.
3. Maxkamadda leh, maxaan ka qaban karnaa?
4. Isla Shaqaalahii NISA oo shiban sheeg-sheegnayo, iskana shaqeeysanayo.
5. Gobaldii oo leh, isma soo galno ee Goobtiinna naga Jooga,wixiinu waa Af gambi dadbane.
6.Xildhibaan Deriskaa ayaa xalay Derbiga looga soo daatay, intii dhimatay Alla ha u naxariisto inta dhaawaca ahna Caafimaad.
7. Beeshii Caalamka oo shuruud ka dhigee in Sharciga wax laga bedelo.
8. Qof aan Sharcigu qaban iyo sharci leh Qofna sharciga kama sareeyo.
9.Oday dhaqameed wax damiintay oo isagiina la sii damiintay.
10. Ar waaba ku mahadsantihiin in Hayadii NISA aad sharciyeeyseen ee amaa wax laga bedelaa Sharciyada ay ku shaqeeyso iyo Awoodaheeda, Haddii kale.

FG: Wixii ka khaldan ka sax, Wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir