1 min read

Muuse Biixi oo soo dhaweeyay magacaabista C/Kariim Guuleed.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhaweeyey magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabey Ergeyga Gaar ah ee arrimaha Soomaaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wuxuu sheegay in Cabdikariin Guuleed uu yahay Nin aqoon weyn u leh Siyaasadda Gobolka, isla markaana ay soo dhaweynayaan magacaabistiisa si loo sii amaba qaado wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay muddo kala maqan yihiin aysan aheyn inay soo weerarto, balse waxa kaliya ee u furan ay tahay inay wada-hadlaan.

Sidoo kale waxa uu ka hadley xabad joojinta iyo dagaalada Laascaanood wuxuuna sheegay inay weli ku taagan yihiin xabad-joojintii ay horay ugu dhawaaqeen, isaga oo ku eedeeyay in dagaalka Magaalada Laas-Caanood ay qeyb ka tahay Puntland.