5 mins read

Sidee ayay ku dhacday in 14 milyan oo doolar lagu dhaco 2 saacadood gudohood?

Bal qiyaas in adigoo Hindian ah oo ah shaqaale mushahar yar ka qaata shaqo maalinla ah doorkaagana yahay inaad tagto bangiga qeybta lacag caddaanka ah oo aad oo aad lacag ka soo bixiso.

Sannadkii 2018, rag dhowr ah oo ku nool gobolka Maharashtra ayaa waxaa doorkooda laga dhigay inay lacagaha caddaanka ah ka soo qaadaan bangiga qeybta ATM-ka balse dhab ahaantii waa la siray.

Weerarku wuxuu dhacay dabayaaqadii bishii Agoosto ee sannadkii 2018, waxaana udub dhexaad u ahaa bangiga Cosmos Co-operative, xaruntiisa Pune.

Galab sabti ah ayay shaqaalaha xafiiska dhexe ee bangiga si lama filaan ah u heleen fariimo cabsi leh oo xiriirsan.

Waxay farriimaha ka socdeen shirkadda kaarar bixinta Visa ee Mareykanka, iyagoo ka digaya inay arki karaan dalabaadyo kumanaan gaaraya oo la xiriira bixinta lacag caddaan ah oo badan oo lagala baxay ATM-yada – iyadoo sida muuqatana ay isticmaalayaan kaararka Cosmos Bank.

Laakiin markii kooxda Cosmos ay hubiyeen nidaamyadooda, ma aysan arkin wax ka baxsan macaamiishooda caadiga.

Qiyaastii nus saac ka dib, kaliya si ay u badbaadaan, waxay oggolaadeen in Visa ay joojiyaan dhammaan kaararka bangiga Cosmos. Hakintani waxay ku yeelatay saameyn weyn iyo khasaare baaxad leh.

Maalintii xigtay Visa ayaa bangiga la wadaagtay liiska dhameystiran ee lacagaha caddaanka ah ee lagala baxay xarunta dhexe ee bangiga Cosmos. Ku dhowaad 12,000 oo goor ayaa lacago caddaan ah lagala baxay ATM-yo kala duwan oo daafaha caalamka ku yaal.

Bangiga ayaa waxaa khasaaray ku dhowaad 14 milyan oo doolar.

Waxaa uu ahaa fal dambiyeed abaabulan oo khatartiisa wata. Burcadda ayaa waxay lacagaha caddaanka ah kala baxeen 28 waddan oo ay ku jiraan waddamada Mareykanka, Ingiriiska, Imaaraadka Carabta iyo Ruushka. Dhammaan lacagahaasina waxaa lala baxay muddo laba saacadood iyo 13 daqiiqo gudohood.

Ugu dambayntii, baarayaashu waxay dib u eegi doonaan asalka kooxda burcadda internet-ka oo u muuqday inay ka soo jeedaan Kuuriyada, dowladana ay la ogtahay.

Laakiin ka hor intaanay ogaan sawirka guud, baarayaasha qaybta dambiyada internetka ee Maharashtra ayaa waxay la yaabeen markay arkeen muuqaallada CCTV ee muujinaya rag tobaneeyo ah oo ku socda meelo badan oo ka mid ah ATM-yada, kuwaas oo gelinaya kaararka bangiga ka dibna boorsooyinka ku shubaya lacago caddaan ah.

“Kama warqabin shabakad lacag dhacda oo sidan oo kale ah,” ayuu yiri Insp Gen Brijesh Singh, oo hoggaaminayay baaritaanka.

Mid ka mid ah kooxaha burcadda ah ayaa haystay aalad uu kula socday lacagaha caddaanka ah ee ATM-yada lagala baxayo, ayuu yiri Singh.

Iyaga oo isticmaalaya muuqaalka CCTV-ga iyo sidoo kale xogta talefannada gacanta ee meelaha u dhow ATM-yada, ayaa baarayaasha Hindiya waxa u suurtagashay in ay xiraan 18 tuhmane toddobaadyo ka dib weerarka. Intooda badan hadda waxay ku jiraan xabsiga, oo ay maxkamad ku sugayaan.

Singh wuxuu sheegay in nimankan aysan ahayn burcad waaweyn. Dadka la xiray waxaa ka mid ahaa kabalyeeri, darawal iyo kabo sameeye. Mid kalena waxa uu haystay shahaado farmashiye.

“Waxay ahaayeen dad dabacsan,” ayuu yiri.

Iyada oo ay taasi jirto, waxa uu Gen Brijesh Singh u malaynayaa in markii uu weerarka dhacay, xataa nimankii loo qoray inay yihiin “gacan dheeraad ah” waa ay ogaayeen waxa ay dhab ahaantii samaynayaan.

Laakiin miyay garanayeen cidda ay u shaqaynayeen?

Baarayaasha waxay rumeysan yihiin in dalka go’doonsan ee Kuuriyada Waqooyi uu ka danbeeyay weerarka.

Kuuriya Waqooyiga waa mid ka mid ah waddamada ugu saboolsan adduunka, haddana qayb muhiim ah oo ka mid ah kheyraadkiisa xaddidan waxaa loo isticmaalaa dhismaha hubka nukliyeerka iyo gantaallada ballistic-ga, dhaqdhaqaaqaas oo uu mamnuucaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sidaas darteed, Qaramada Midoobay waxay dalkaas gelisay cunaqabatayn adag, taasoo ka dhigtay ganacsigiisa mid xaddidan.

Tan iyo markii uu xukunka qabtay 11 sano ka hor, hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un waxa uu kormeeray olole aan horay loo arag oo tijaabo hub ah, oo ay ku jiraan afar tijaabo oo nukliyeer ah iyo dhowr daandaansi oo lagu tijaabinayo gantaallada isaga kala goosha qaaradaha.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa rumeysan in dowladda Kuuriyada Waqooyi ay u adeegsaneyso koox burcad ah oo caan ah si ay u jabsadaan bangiyada iyo hay’adaha maaliyadda ee adduunka si ay u xadaan lacagta ay u baahan tahay si dhaqaaluhu u sii socdo oo ay u maalgeliyaan barnaamijka hubka.

Burcadda oo lagu naaneeso Kooxda Lazarus, ayaa la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin unug ay maamusho hay’adda sirdoonka militariga ee Kuuriyada Waqooyi ee awoodda badan.

Kooxdan ayaa markii ugu horreysay caan ka noqotay caalamka markii madaxweynihii Mareykanka Barack Obama uu ku eedeeyay Kuuriyada Waqooyi inay jabsatay shabakadda kombuyuutarrada ee Sony Pictures Entertainment sannadkii 2014-kii.

Kooxda Lazarus ayaa tan iyo markaas ka dib lagu eedeeyay inay isku dayday inay 1 bilyan oo doolar ka xado bangiga dhexe ee Bangladesh sannadkii 2016-kii, iyo inay bilaabeen werarkii internet-ka ee WannaCry oo ay isku dayeen inay madaxfurasho uga qaataan dhibanayaasha adduunka oo dhan, oo ay ku jirto NHS-ta Britain.

Kuuriyada Waqooyi ayaa si adag u beenisay jiritaanka kooxda Lazarus, iyo dhammaan eedeymaha la xiriira jabsiga internet-ka dowladaha.

Maamulka Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku qiyaasay in Kuuriyada Waqooyi ay leedahay ilaa 7,000 oo burcadda internet-ka ah oo la tababaray. Uma badna in dhamaantood ay ka shaqeeyaan gudaha dalka, halkaasi oo dad yar ay heystaan ogolaanshaha isticmaalka internetka, taasoo adkeyneysa in la qariyo dhaqdhaqaaqyada isticmaalayaasha. Taa beddelkeeda, inta badan waxa loo diraa dibadda.

XIGASHO: BBCSomali