1 min read

Dowladda Finland oo si rasmi ah ugu biirtay NATO.

Finland ayaa noqotay xubnkii 31-aad ee gaashaanbuurta NATO, kaddib xaflad ka dhacday xarunta isbahaysigu ku leeyahay magaalada Brussels.

Madaxweynaha Finland,Sauli Niinisto, ayaa dukumintiyada ku biiritaanka NATO ee dalkiisa u gudbiyay xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka Antony Blinken, kaas oo sheegay in Finland ay haatan si rasmi ah ugu biirtay isbahaysiga millateri.

Dhameystirka codsiga ku biiritaanka NATO ayaa timid kaddib markii uu Ruushka ku duulay Ukraine.

Finland waxay xuduud dhan 13 kiilomitir la leedahay Ruushka.