1 min read

Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay saddex qof ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay agagaarka xarunta dambi-baarista ee CID ee Muqdisho.

Booliiska ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhshay gaari xamuulka qaada oo ka mid ahaa kolonyo ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ka tirsan, gaar ahaan qaybtooda Burundi.

Qarax ka dhex dhashay babauurka ayaa sababay dab gaariga qabsaday, waxaana ku dhaawacmay 3 qof oo shacab ahaa oo goobta ka ag dhawaa kuwaasi oo gubasho ay soo gaartay, sida ay sheegeen booliiska.

Booliiska ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay gurmad u fidiyeen, ayna soo socoto baaris ku saabsan waxa sababay qaraxa.