1 min read

Boqolka Guri ee Xamar !!!. (Faallo aad la yaabi doonto)

A. Shiinaha waxaan ku soo arkay Hal dhismo oo la leeyahay waxaa ku nool 15,000 Qof.

5ta galabnomo waxaad arkee Waddada u dhaw oo aad is leedahay ma Isbartiibo ayaa laga soo baxay. Nus Saac kadib waxaad arkee Waddadii oo faaruq ah waxaad is leedahay Halkaan ma laga Qaxay. Guryahana wax shanqar ah ka maqli meeysid, Qof waliba waa daalanyahay waxa uu ku mashquulaa in uu Cuntadiisa karsado ama TV ku nasato. ( F.S: 1aad)

Waxa ay igu yiraahdeen inta lala darso waxaan u necebnahay Labo:
1.Dadka madow ee Afrikaanka ah. “marka uu Gurigiisa yimaad ayuu kugu shidaa Musik aad u dheere.
2. Muslimiinta Shiinaha ee ka yimaad waqooyiga Dalka,” waa naga dhaadheeryihiin, waana xanaaq badan yihiin, waana ku dharbaaxayaan”.

B. Hadda waxaan maqlay in la dhisay Hal dhismo oo 30,000 Qof ay ku nooshahay. ( F.S: 2&3aad)

C. Waxaa la yiraa Mogadishu waxaa ku nool 3 Million oo Qof, waxaa ku filan 100 Guri oo kiiba qaado 30,000 Qof. Haddii Dadka Magaalada la wada dajiyo 100kaa Guri. Shanqar la’aan ma ahaanayaan? . Waxa ay dhihi lahaayeen 4.5 ha naloogu qeybiyo 4.5. ( F.S: 4aad).

Gurigee ugu Shanqar badanaa lahaa?. Kee ugu Dacwo badanaa lahaa?. Kee ugu Musuq badanaa lahaa? Kee ugu tuuga Badnaa lahaa?. Kee ugu Ciyaal weero Badnaa lahaa?. Kee ugu nadaafad xumaa lahaa?. Kee ugu qayilaad badnaa lahaa?. Kee ugu deris fiicnaa lahaa?

Haddii Adiga lagu dhihi lahaa qaab aan 4.5 aheey u daji, oo Xaafad Xaafad isku raaci, Xaafad heed is raaci leheyd oo aad hal Guri wada dejin leheyd? Xaafadaheed Adigu la dagi leheyd?

Qore: Yahya Amir