1 min read

Xiriirka Ethiopia iyo midowga Yurub oo fure u noqday heshiiska Tigray.

Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aan kasta oo lagu wanaajinayo xiriirka dowladda Itoobiya ay ku xiran tahay sida loogu guuleysto dadaallada lagu xallinayo colaadda ka taagan waqooyiga gobolka Tigray.

Ka dib dagaalkii sokeeye ee qarxay November 2020, Midowga Yurub waxay hakiyeen taageeradii miisaaniyadeed iyagoo u cuskanaya xad-gudubyada xuquuqda aadanaha.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in horumarka laga gaaray soo afjaridda colaadda ay tahay tusaale naadir ah oo ah war wanaagsan oo dunida maanta ka jira.

Hase yeeshee waxa uu ku baaqay in si tartiib tartiib ah xiriirka Itoobiya uu caadi u ahaado sida uu u horumaro geeddi-socodka nabadda.

Horraantii sanadkan, saraakiisha Midowga Yurub waxay sheegeen in ay tahay in lala xisaabtamo xadgudubyadii baahsanaa ee dhacay intii uu socday dagaalkii Tigray.