1 min read

Ciidamada Naigeria oo duqeyn ku dilay hoggaamiyaha koox dadka afduubata.

Militeriga Nigeria ayaa sheegay inay dileen 30 qof oo hubeysnaa oo uu kamid ahaa madaxii burcadda dadka afduubata xilli ay duqeyn ka fuliyeen waqooy galbeed gobolka Kaduna.

War qoral ah oo la soo saaray ayey ku sheegeen ciidanka cirka ee Nigeeria in hoggaamiyaha burcadda Cali Dogo Yellow uu kala baxsaday dagaalayahanadiisa gobolka Niger ka dib markii ay halkaa ka dhacday duqeyn militari.

Ciidamada Cirka ee Nigeria oo ku raad joogay ayaa ogaaday guri ay ku shirayeen dabayaaqadii isbuuca, kaasoo ku yaalla xaafadda Giwa ee gobolka Kaduna.

Afhayeen u hadlay ciidanka cirka oo lagu magacaabo Edward Gabkwet ayaa sheegay in markaas kaddib ay diyaaradda militeriga bambooyin ku dhufatay dhismaha, halkaasoo ay ku dhinteen tobannaan qof oo ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay in ay hubeysan yihiin isla markaana afduubyada geysta.

Waxaa jiray duqeymo kale oo lagu guuleystay oo lala beegsaday burcadda wax afduubata ee ku sugan deegaanka Mando, oo sidoo kale ka tirsan gobolka Kaduna.

Duqeymahaas ayaa lagu dilay xubno badano o ka tirsan kooxaha argagixisada.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijiyay tirada ragga hubeysan ee ay weerarrada kala duwan ku dileen militeriga Nigeria.

Waddanka Nigeria ayaa la daalaadhacaya wax ka qabashada burcadda hubeysan ee fulisa dilalka iyo afduubka lagu dalbado madax-furashada ee ka dhaca guud ahaan dalkaas, gaar ahaan waqooyi-galbeed.