1 min read

Ciidamada NISA oo xiray xoghayaha ururka SJS.

MUQDISHO — Xoghaya guud ee ururka u dooda xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliya ee SJS Cabdalla Muumin, ayaa lagu xiray garoonka Aadan Cadde xilli uu rabay in uu garoonka ka dhoofo, sida uu VOA u sheegay xubin ka tirsan ururkaas.

Ciidamada NISA ee jooga garoonka Aadan Cadde, ayaa xiray Wariye Cabdalla Muumin, sida uu VOA u sheegay ururka SJS.Ciidamada NISA, ayaa ka soo waday garoonka Waxa uuna hadda ku jiraa gacanta Nabadsugidda.

Dawladda Soomaaliya ayaan rasmi ahaan uga hadlin xariggan oo imanaya laba maalmood kadib markii uu ururku uu dhalliilay amar kasoo baxay dawladda oo sheegayey inaan la baahin wararka buunbuuniya Al-Shabaab.

Goor sii horreysay oo maanta ah, ururka ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in sidoo kale shalay ay xarunta SJS soo weerareen ciidamada NISA, xilli xafiisku xirnaa, dhacdadaas oo sidoo kale NISA aysan ka hadlin.