1 min read

Taliye cusub oo loo magacaabay Booliska G/Banaadir.

MUQDISHO — Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.

Warkan ayaa lagu shaaciyey qoraal lasoo dhigay bogagga uu taliska booliska ku leeyahay baraha bulshada.

Mahdi Cumar Muumin ayaa beddeli doona Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Faarax Qaroole) oo 30-kii September lagu dilay qarax Miino oo ka dhacay meel u dhow degaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa horey u ahaa taliyaha Nabad-sugidda maamulka Galmudug kahor inta aan loo soo wareejin gobolka Banaadir.