23 Apr, 2024
1 min read

Ciyaaryahan Aubameyang oo ay burcad gurigiisa ku weerartey.

Laacibka kooxda Barcelona, ee Pierre-Emerick Aubameyang, ayaa dhibaato xoog leh looggu geystay gurigiisa. Kooxda ayaa sheegtay in afar nin oo hubeysan ay soo galeen guriga weeraryahanka u dhashey dalka Gabon aroornimadii isniinta oo ah maanta, ayna ku qasbeen inuu furo meel ay hanti muhiim ah ugu keyd sanaayeen. Burcaddii, ayaa waxay jabiyeen qasnad lagu hayey […]

2 mins read

Madrasa Islaami ah oo lagu burburiyey Hindiya.

Wasiirka ugu sareeya ee maamulka Assam ee, Himanta Biswa Sarma, ayaa ka jawaabay burburinta madarasado, iyadoo xarunta lagu eedeeyay falal ka dhan ah qaranka. Isagoo la hadlayay warbaahinta ayuu yiri, waa markii labaad ee aan domino madaraso. Mas’uulka oo hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamey in qolyaha maamulayey madrasadan aanay u maamuleyn sidii hay’ad ahaan, ee […]

1 min read

Wasiirka Gaashaandiga oo la kulmay Talyaha AFRICOM oo Muqdisho yimid.

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa manta la kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ee Soomaaliya iyo saraakiil kale. Wasiirka ayaa soo dhaweeyay taliyaha cusub ee Africom Gen. Michael Langley, wuxuuna bogaadiyay doorka AFRICOM ee ku aadan horumarinta nabadda iyo amniga gobolka. Labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay […]

1 min read

Ciyaaryahan Pogba oo sheegay inay bartilmaameedsadeen kooxo dambiilayaal ah oo abaabulan.

Ciyaar yahanka Paul Pogba, ayaa sheegay in uu u noqday bartilmaameed baad iyo hanjabaadba kooxaha dambiyada abaabulan. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Juventus, una dhashey dalka Faransiiska, ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu soo marinayo qareenadiisa maalintii Axaddii ina dhaaftay. Wakaalada wararka ee Faransiiska ee “AFP” oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah, […]

1 min read

Cunto kariyihii shanta madaxweyne ee Mareykanka oo geeriyooday.

Roland Mesnier, oo u dhashay dalka Faransiiska, isla markaana u soo karin jiray cuntooyinka macaan shan madaxweyne oo Maraykan ah, ayaa geeriyooday, isaga oo dadiisu tahay 78 sano jir. Mesnier, ayaa markii ugu horreysay la shaqaaleysiiyay xilligii Jimmy Carter, ee sanadkii 1979-kii, wuxuuna shaqada hawlgab ka noqday sanadkii 2004-tii, oo ah xilligii, Madaxweyne George W […]

2 mins read

Soomaaliya oo loogu deeqay 1.6 million oo xabbo oo ah tallaalka J&J ee COVID-19.

Dawladda Soomaaliya ayaa la gaadhsiiyey illaa 1,645,600 oo ah tallaalka xanuunka COVID19 ee Johnson and Johnson (J&J), kaas oo ay ku deeqeen dalalka Sweden iyo Jamhuuriyadda Czech. Dalalkan ayaa deeqda tallaalka ah u soo marsiiyey Soomaaliya, hannaanka qaybinta tallaalka COVID 19 ee COVAX. Illaa haatan tirada shacabka Somaaliya ee dhamaystay labada tallaal ee xanuunka COVID […]

1 min read

RW Xamsa “Amniga iyo degenaanshaha waxay yihiin wax aan gorgortan laga geli karin…”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee TICAD8 ee ka socda magaalada Tunis ee dalka Tunisia, ayaa tilmaamay muhiimadda ay taagerada dowladda Japan u leedahay xasillinta amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amniga iyo degenaanshaha ay yihiin wax aan gorgortan laga geli karin, si […]

1 min read

Wasiirka Amniga iyo ku xigeenka Ergeyga QM oo ka wadahadlay Amniga Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Maxamed Axmed Shiikh Cali Doodashe ayaa maanta kulan la yeeshay Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Anita Kiki Gbeho. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sugida Amniga iyo tayeynta adeegyada booliska ee loo dhan yahay, xoojinta wada shaqeynta bulshada Sidoo kale waxaa ay ka wada […]

1 min read

Wararkii ugu danbeeyey caawa ee kala iibsiga ciyaartooyda horyaalada Yurub.

Kooxda Manchester United, ayaa qarka u saaran inay lasoo wareegto xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Ajax, ee Antony, kadib markii Ajax ay ogolaatay inay wada hadal ka gasho. Kulan dhacaya saacadaha soo socda, ayaa lagu go’aamin doonaa heshiis gaaraya 100 milyan oo euro ah, kaasoo ay kooxda United diyaar u tahay inay bixiso. Tababaraha kooxda […]