1 min read

Wasiirka Gaashaandiga oo la kulmay Talyaha AFRICOM oo Muqdisho yimid.

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa manta la kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay taliyaha cusub ee Africom Gen. Michael Langley, wuxuuna bogaadiyay doorka AFRICOM ee ku aadan horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

Labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulanka waxaa ka qeybgalay danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, taliyaha ciidamada lugta, agaasimaha guud ee wasaaradda gaashandhigga iyo la taliyayaal ka socda xafiisyada Madaxweynaha & ra’iisal wasaaraha XFS.