1 min read

Wasiirka Amniga iyo ku xigeenka Ergeyga QM oo ka wadahadlay Amniga Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Maxamed Axmed Shiikh Cali Doodashe ayaa maanta kulan la yeeshay Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Anita Kiki Gbeho.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sugida Amniga iyo tayeynta adeegyada booliska ee loo dhan yahay, xoojinta wada shaqeynta bulshada

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen hagaajinta isku xirka Wasaaradaha Amniga ee Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo taageerada Qaramada Midoobay.