August 2022
Biden “Aniga ayaa bixiyay amarka lagu dilay Ayman al-Zawahiri”.
Wararka ka imanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in duqayn xagga cirka ah lagu dilay hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri, kaas oo xilka kala wareegay hoggaamiyihii hore ee Osama Bin Laden, ka dib markii ay Maraykanku hawlgal ku dileen, bishii May ee sannadkii 2011. Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyihii al-Qaacida Ayman […]
Caydiid: Jeneraalka ay ka quusteen ciidankii halista ahaa ee dilay Usaama Bin Laadin.
Markii uu dhintay Alle ha u naxaristee janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa maanta laga joogaa 26 sano. Wuxuu ka mid ah hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya ee kaalinta weyn ku lahaa ololihii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ku dhintay magaalada Muqdisho 1-dii Agoosto sanadkii 1996. Kumuu ahaa Ceydiid Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid […]
Mid ka mid ah wasiiradii la magacaabay ee Hirshabeelle oo is casilay.
1 Iyadoo xalay magaalada jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle uu kaga dhawaaqay madaxweynaha maamulkaasi Cali Guudlaawe Xuseen Gole Wasiirro cusub oo ka kooban 81 wasiir, ayaa waxa soo baxday in mid kamid ah wasiirrada uu magaacabay uu iska diiday kamid ahaanshiyaha golaha cusub. Wasiirka is casilay oo la yiraahdo Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame ayaa BBC […]
Dumar ku baaqay in la dhufaano ragga kufsiga geysta.
Mudaharaadayaal ka soo horjeedo xadgudubyada jinsiga la xirira ee ka dhaca dalka Koonfur Afrika ayaa ku baaqay in la soo afjaro xadgudubyada aan kala joogsiga laheen ee haweenka loo geysto. Arrintan oo daba socotay kufsi galbeedka Johanesburg looga geystay siddeed haween ah oo filim duubayey. Mid ka mid siddeedda gabdhood ee kufsiga loo geystay oo […]
Baarlamaanka Deegaanka Soomaalida oo ansixiyey guddi soo baaraya tacaddiyadii deegaankaasi ka dhacay.
Baarlamanka Deegaanka Soomaalida ayaa ansixiyey gole loo aasaasay baaritaanka tacaddiyada deegaanka ka dhaca, dib u heshiisiinta iyo xaalamarinta dhibbanayaasha deegaanka uu madaxweynaha soo hordhigay golaha xildhibaannada. Golahan oo ka kooban 7 xubnood ayey goluhu cod buuxa ku meel mariyeen. Golaha oo ay shaqadiisu noqon doonto tacaddiyadi dhacay iney soobaaraan warbixintoodana ay kula soo noqdaan golaha […]
Deg Deg: Ugu yaraan 20 qof oo ku dhimatay daadad ku dhufatay dalka Uganda.
Tirada dadka la ogyahay iney ku dhinteen daadad iyo dhul go’ ka dhacay bariga Uganda ayaa gaadhay 20 qof. Mutadawiciin iyo sidoo kale ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ayaa wajahaya xaalado adag iyaga ku howlan baadigoobka dad masiibadaasi ka badbaaday. Waddooyinka qaar ayaa ah kuwa aan lamari karin. Muuqaallo baraha bulshadu la soo dhigay ayaa […]
Gutteres: Dunida waxay khatar ugu jirtaa hubka Niyuukilarka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay dunida iney halis ugu jirto hubka Nukliyerka. Antonio Gutteres wuxuu sheegay khatarta dunida ku soo fool leh iney tahay tii ugu adkeyd oo dunida soo wajahdo tani iyo marki uu dhammaaday dagaalki qaboobaa. Wuxuuna carrabka ku dhuftay khatarta jirta iney uga sii dartay duullaanka Ukraine, xiisadda ka […]
Waa kuwee Dalalka Yurub ee aqbalay Baasaboorka Soomaaliga?.
Baasaboorka Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay u muuqday mid soo xoogaystay marka loo eego sida uu ahaa wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee 1991-kii. Inkastoo uu meel hoose uga jiro liiska kala sarraynta baasaboorrada, haddana waxaa muuqata in uu sanadkan ka horreeyo waddamo kale oo waawayn, oo ay ku jiraan Pakistan, Ciraaq, […]
Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray Saraakiil ciidan+Sawirro.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta tababar waxaa uu uu soo xiray Xerada Ciidamada Turkisom ee magaalada muqdisho Saraakiil iyo Saraakiil xigeena katirsan Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed. Munaasabadda tababarka ciidamada loogu soo xirayay waxaa Madaxweynaha ku wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), […]