1 min read

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo ka dhacday Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay billaabayaan howlgallo ka dhan ah dagaalameyaasha Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka Alshabaab, taasina ay qorshe ka leeyihiin.

“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikha.

“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.