1 min read

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo weeraro ka gaystay gudaha Kenya.

Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa howlgallo ballaaran ka wada Mandheera, Wajeer, Lamu iyo qeybo ka mid ah ismaamulada Kilifi, ka dib weeraro is xig xigay oo rag loo maleynayo Al-shabaab halkaasi ka fuliyeen.

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Kenya oo marayay wadada isku xirta Bura iyo Gaarisa ee uu ka socda dhismaha, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.

Sidoo kale, raggan hubeysan ayaa weerar kale ku qaaday gaari nuuca xamuulka qaada oo ay la socdeen shaqaalo shiineys ah oo wada dhismaha wada isku xirta  Gaarisa iyo Buri ee dalka Kenya.

Raggaan ayaa halkaasi ku gubay gaariga xamuulka, waxaase weerarkaasi ka badbaaday shaqaalihii Shiineyska ahaa oo iyaga iyo ciidamo ilaalaneysay baxsadeen.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegay in weeraradan isdaba socday ay ku dhaawacmeen Askar ka tirsan Ciidamada Kenya, isla markaasna la geeyay goobaha Caafimaadka ee magaalada Gaarisa.

Ragga weerarka qaaday oo aan illaa hadda la garaneyn tiradooda ayaa goobta isaga baxsaday.