1 min read

Ciidamada Dowladda oo Howlgallo ay sameeyeen ku soo qabtay Gawaari Qaraxyo wada.

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan ururka 5aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab iyo Ciidanka Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland, ayaa soo bandhigay Hub iyo Qaraxyo ay ku soo qabteen Howlgallo ay ka fuliyeen tuulooyin ka tirsan Gobolka Jubbalad Hoose.

Howlgallada ayaa si gaar ah looga fuliyey deegaanada Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, yaaq dabayl iyo Barjalla oo ka wada tirsan gobolka Jubbada hoose.

Saraakiisha Ciidamada ee Hoggaamineysay Howlgalka ayaa sheegay in ay burburiyeen Taliskii Qaraxyada ee Al-shabaab ku lahaayeen Jubbalada Hoose, isla markaasna gacanta ku dhigeen Hub, qaraxyo iyo Gaadiid.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in inta uu howlgalka socday ay dileen laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, isla markaasna ay qabteen afar kale.

Sawirradan ayaa lagu baahiyay Bogga Facebook ee Idaacada Ciidamada.