1 min read

Xaalka Xamar yaal (Xamarow Khiyaarkaa)!!.

WQ: Mahad Gelle

Xamar waxaan ku arkay dadka kartida iyo aqoonta leh ee shaqo yaqaanka ah waa go’doon (isolated) aan gallaangal qabiil aqoon ama aan ku xirnayn dadkooda. Danna kama lahayn in ay qabiil iyo qof raadiyaan. Sababtu waa in ay kalsooni xad dhaaf ah isku qabaan. Dadkaas ama dowladda Soomaaliya ha u shaqeeyaan ama hey’ado kale ha u shaqeeyaane waa dad ka soocan dadka intiisa kale.

Inta aan wax—galka ahayn ‘‘highly incompetent(ka) ah’’ waa inta dadka ugu xiriirka badan oo ugu oradka badan. In other words, they have very massive and well connected networks. Sababtuna in ay wax helaan ayey xoog badan gelinayaan oo xargo badan ayey isku xirxirayaan maadaama aysan aqoon iyo hufnaan waxba ku heli karin.

Dadkaas aan wax—galka ahayn ee xiriirada badan xagga iyo xageer ba waa kuu dhaafayaan. Sababtuna waa in ay ogyihiin in aysan xirfad lagu dooran karo ama aqoon logu xulan karo lahayn. Hayeeshee, waa xarfaan ka xeelad badan dadka intiisa kale, kana orad iyo gallaangal badan.

Wax—ma—galeyaashu wax ay qaban karaan ma lahan. Haddana inta badan waa helaan waxa ay raadinayaan. Xarfaanta kale inta ay is aruurinayaan ayaa laga tagayaa oo Soomaaliya wax—ma—taraha ayaa xil iyo xoolo hela!