1 min read

Warararkii ugu dambeeyays dagaalkii ka dhacay deegaanka Baxdo ee G/Galguduud.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qaraxyo ku billaawday oo Al-shabaab saaka ku qaadeen deegaanka Baxdo oo 90 KM u jira degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, waxaana la soo warinaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo socday muddo saacado ah ayaa is taagay, waxaana dib deegaanka uga baxay dagaalameyaasha Al-shabaab ee weerarka ku soo qaaday.

Sawirro lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa muujinaya meydadka tiro kamid ah raggii weerarka ku qaaday deegaanka Baxdo ee ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo lagu soo bandhigay meel fagaaro ah.

Sidoo kale, dagaalka waxaa ku dhintay dad isugu jira shacab, Ciidamada deegaanka iyo Dagaalameyaasha ka tirsan Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Baxdo, balse ilaa hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan Khasaaraha.

Wararkii u dambeeyay ee deegaanka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in hadda xaaladda deggan tahay, isla markaasna ay halkaasi soo gaareen Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan Daraawiishta Galmudug.