2 mins read

Sadio Mane: Weeraryahanka Liverpool oo ku biiraya Bayern Munich.

Liverpool ayaa oggolaatay heshiis 41 milyan euro ah oo u dhiganta (£35.1m) oo ay weeraryahankeeda Sadio Mane uga iibinayso kooxda difaacanaysa Bundesliga ee Bayern Munich.

Kooxda Liverpool waxay heli doontaa 32m oo euro (£27.4m) oo ay la socoto 6m oo euro oo dheeri ah oo ku saleysan kulammada uu ka soo muuqdo iyo 3m euro oo ay ku heli doonto guulaha shakhsiyadeed iyo kooxeed ee uu ciyaaryahanku gaaro.

Waxay Liverpool diidday labo dalab oo Bayern ay u soo gubisay ka hor inta aysan aqbalin dalabkii ugu dambeeyay. Ciyaaryahanka oo 30 jir ah ayuu heshiiskiisa dhacayay xagaaga soo socda.

Wuxuu Liverpool ugu soo biiray £31m iyo £2.5m oo dheeri ah, iyadoo kala soo wareegtay Southampton sanadkii 2016.

Tan iyo markaas, Mane ayaa Liverpool u dhaliyay 90 gool, wuxuuna dhameystay xilli-ciyaareedkii hore isagoo dhaliyay 23 gool tartamada oo dhan.

Warka bixistiisa ayaa daba socday saxiixii ay Talaadadii sameysay Liverpool ee weeraryahanka u dhashay Uruguay ee Darwin Nunez oo ay Benfica uga soo iibsatay £64m.

Ciyaaryahannada kala ah Mohamed Salah iyo Roberto Firmino oo labadooduba 30 jir ah iyo Mane waxay qayb muhiim ah ka ahaayeen guulaha Liverpool ee sanadihii u dambeeyay.

Saddexda ciyaaryahan ayaa kooxda ka caawiyay inay ku guuleysato Champions League 2019, waxayna soo afjareen 30 sano oo ay sugeysay horyaalka Ingiriiska.

Sanadkan ayaa sidoo kale ahaa sanad aan caadi ahayn oo uu ku raaxaystay Mane. Wuxuu xulkiisa qaran ee Senegal kula guuleystay Koobka Qaramada Afrika ka hor inta uusan Liverpool ka caawin ku guuleysiga Carabao Cup iyo FA Cup iyo in ay ku dhameysato kaalinta labaad ee Premier League iyo Champions League oo ay gaartay ciyaarta kama-dambeysta ah.

Mane ayaa la filayaa inuu beddel u noqdo Robert Lewandowski iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Poland uu qarka u saaran yahay inuu ka tago kooxda Jarmalka ka dhisan ee Bayern Munich, waxaana lala xiriirinayaa kooxda reer Spain ee Barcelona.