1 min read

Xaaladda Soomaaliya iyo maalinta caalamiga ah ee xuska dhiig bixinta.

Sannad walba 14-ka Juun, waa maanta oo Kalee waxa loo asteeyey maalinta dhiig bixinta aduunka oo xuska la qabanayo waxa looga golleeyahay in dadka lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay in dhiigga lagu deeqo oo naf bixi lahayd la badbaadiyo.

ò

Waxaa la sheegaa in tobankii qof oo aduunka ku nool sagaal ka mid ahi inta ay nool yihiin mar u baahdaan in dhiig loo shubo.

Sidaas oo ay tahay ayaa dhiiggu yahay wax aan la iibsan karin wershadina samayn karin ee sida keliya ee lagu heli karaa tahay in cidda ku deeqi kartaa iyadoo naxariis muujinaysa ay siiso cidda u baahan, waxaana jirta in dalka kastaa uu leeyahay goobo caafimaad oo lagu kaydiyo dhiigga lagu deeqo oo la yidhaa baanka dhiigga.

Bal hadaba Soomaaliya waa sidee xaaladeedu, Dr Axmed Cabdiqaadir Maxamed oo ah madaxa baanka dhiigga ee gobolka baanidir ayaa BBC-da uga warramay arrintaas.