1 min read

Maxaa ka jira in la hareereeyey dagaalyahano Ukraine ah ?

Ruushka ayaa u sheegay ciidamada Ukraine e ku hareereysan wershadda kiimikada ee Azot ee ku taalla Severodonetsk in ay hubka dhigaan laga bilaabo 08:00 maalinimada Arbacada ee berri ah..

Ruushka ayaa sheegay in ay fursad siinayaan dagaalyahanada si ay isu dhiibaan .

Dagaalyahanada ayaa loo sheegay in ay joojiyan waxa loogu yeearay iska caabinta aan macnaha laheyn ayna hubka iska dhigaanxilliga loo cayimay . sida laga soo xigtay madaxa xarunta maamulka difaaca qaranka ee uushka Mikhail Mizintsev.

UIkraine ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay weli heystaan magaalada ka dib markii buundadii ugu dambeysay ee u dhaxeysay magaalada iyo dhulka ay heystaan Ukraaaniyiinta la burburiyey ayna dhulka la simeen ciidamada Ruushka .

Ruushka ayaa sheegay in dadka rayidka ah ay siinayana marinno ay ka baxaan maadaaama ay ku xayiran yihiin wershadda iyo agagaarkeeda