1 min read

Maxaa looga hadlay kulanka dhexmaray madaxweyne Xassan iyo madaxda maamul goboleedyada?

Magaalada Muqdisho waxa ka furmay shir aan horey loo sii shaacin oo u dhaxeeya Madaxweynaha cusub ee Dawladda Federaalka, iyo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Shirka oo ah kii ugu horeeyay oo si rasmi ah u dhexmara Dawladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada tan iyo markii Madaxweynaha cusub la doortay 15 kii bishii hore ayaa looga hadlayaa arimo ay kamid yihiin siyaasadda, amniga, iyo abaaraha.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa Muqdisho u yimid munaasabaddii caleemasaarka Madaxweynaha ee khamiistii dhacday.