1 min read

Labada Gole ee Baarlamaanka oo berri kulan wadajir ah ku leh Muqdisho.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa berri kulan wadajir ah ku leh magaalada Muqdisho, sida ay shaaciyeen Guddoonka labada Gole.

Farriin loo diray Xildhibaannada labada Gole ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta berri si wadajir ah akhrinta kowaad la marsiin doono Miisaaniyadda Dowladda ee ay soo gudbisay Xukumadda.

Beri oo Axad ah Tariikhdu tahay 12 June, waxaa jira Kulan weyne Wadajir labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

  1. Akhrinta kowaad ee Miisaaniyadda 2022.

Saacadu waa 09:00 subaxnimo iyo Xarunta Villa Hargeisa.