|

Wararkii ugu dambeeyay laba qarax oo ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba qarax oo ahaa miino dhulka lagu aasay kuwaas oo ka kala dhacay deegaanka KM13 iyo xerada Xerada Badbaado, waxaana qaraxa KM13 lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka.

Qaraxa ka dhacay Badbaado ayaa isna ahaa miino la geliyay maqaaxi laga cabo shaaha.

Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen qaraxyadaas.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliaydda qaraxayadan, hasse yeeshee qaraxyada noocan ah ee lala eegto ciidamada dowladda waxaa fuliya ururka al-Shabaab oo dagaal kula jira ciidamada dowladda.

Posted by on Jun 10 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]