1 min read

Ciidamo ka wada tirsan Puntland oo is rasaaseeyay iyo khasaare ka dhashay.

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay is-rasaaseyn dhex martay Ciidamada Booliiska Puntland iyo kuwa Ammaanka ee PSF, kuwaasi oo ka wada tirsan Maamulka Puntland.

Is-rasaaseynta ayaa ka dhacday Xeebta Magaalada Boosaaso gaar meel u dhow Xarruunta Ciidamada PSF, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan laba ruux oo mid kamid ah shacab yahay ayaa ku geeriyooday israsaasayn ciidanka Booliiska Puntland iyo ciidamada  PSF, halka ay ku dhaawacmeen lix kale, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalada magaalada.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ee ka dambaysay is-rasaaseynta, saraakiisha Ammaanka ee Gobolka Bari ee Puntland weli wax faah-faahin ah ma bixin.