1 min read

Meydka haweenay maalmo la la’aa oo Musqul laga dhex helay.

Sida lagu baahiyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta gudaha haweeney lagu magacaabo Allaha unaxariistee Aamino Maxamuud, ayaa meydkeeda galabta laga soo saaray Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kadib baaritaan socday maalmihii lasoo dhaafay oo lagu baadi goobayay haweenaydan hadda maydkeeda la helay.

Ciidamada Nabad sugidda Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay in meydka haweenaydaan ay ka soo saaraan Suuliga oo uu ku riday sida la sheegay nin lagu eedeyay inuu dilkeeda ka dambeyay.

Ninka lagu tuhmayo dilka Aamino ayaa wararku sheegayaan inay ku lahayd “dayn” aan faah-faahin laga bixin waxay ahayd.

Wuxuu ugu yeeray gurigiisa oo uu u balan qaaday inuu ku wareejinayo,maadaama uusan bixi karin dayntii ay ku laheed,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay bogga Facebook ee Radio Muqdisho.

Markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana mudo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuumad Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda ayaa la raaciyay warkan la soo dhigay baraha warbaahinta Qaranka.

Dhacdadaan ayaa argagax ku noqtay ehelka iyo dadka ku nool aagga laga helay meydka Aamino Maxamuud